(Paris) 26 Juunyo 2019. Daafaca reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Thiago Silva ayaa sheegay inuu qorsheenayo in gabi ahaanba uu kaga fariisto ciyaaraha kubadda cagta isagoo ku gudi jira qaab ciyaareed heer sare ah, sida uu horey u sameeyay halyeeyga reer France ee Zinedine Zidane.
Thiago Silva oo haatan 34 jir ah ayaa wali si joogta ah uga qeyb qaadanaya kulamada xulkiisa qaranka Brazil iyo kooxdiisa Paris St Germain, isagoo ciyaaray xili ciyaareedkii dhawaan soo idlaaday ee 2018/2019, 39 kulan, si la mid ah wuxuu haatan qeyb ka yahay xiddigaha matalaya xulka Samba tartanka Copa America, wuxuuna ciyaaray dhamaan kulamada Celsão ee ilaa iyo haatan.
Thiago Silva ayaa wareysi uu ku bixiyay majalada “Paris St Germain” wuxuu ku sheegay:
“Waxaan rajeynayaa inaan go’aan ka gaaro inaan ka fariisto kubada cagta, kahor inta aan lugaheygu tuurin”.
“Ma doonayo inaan dhibaato ku dhex dareemo gudaha garoonka, iyo inaan maalin maalmaha ka mid ah dareemo inaanan ku jirin heerkeygii ugu fiicnaa, sidoo kalena xiddigaha iga soo horjeeda ay si fudud igu dhaafaan”.
“Aad ayaan u faraxsanahay, sababtoo ah xirfadeyda waxay ahayd mid guul ah, Waxaana doonayaa inaan ciyaaraha ka fariisto anigoo heer sare ah”.
“Waxaan taageerayaa qaabka uu Zinedine Zidane u soo gabagabeeyay xirfadiisa ciyaareed, si toos ah ayeey ahayd kaddib koobka adduunka 2006-dii, Sidoo kale waa inaan go’aan kaas la mid ah aan gaaraa si aan kaga fariisto ciyaararaha kubadda cagta”.
Gool FM.