(Qahira) 29 Juunyo 2019. Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan.
Dhowr kulan oo ka tirsan tartankan ayaa la ciyaaray, waxaana lagu guda jiraa heerkiisa guruubyada oo la rajeynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo, isla markaana ay xulalku u gudbaan wareegga 16-ka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.
Saddex kulan oo ka tirsan tartankan ayaa galabta iyo caawa la kala ciyaari doonaa, waxaana kulan ka tirsan Group E ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 wada ciyaari doona galabta xulalka Mauritania iyo Angola.
Dhinaca kalena Group F labo kulan oo ka tirsan ayaa caawa la ciyaari doonaan iyadoo ay isku dheggan yihiin; Cameroon vs Ghana iyo Benin vs Guinea-Bissau.
Haddaba Eeg Kulamada laga ciyaari doono galabta iyo caawa Koobka Qarammada Afrika 2019, koobka aduunka ee Dumarka, Copa America iyo saacadaha ay soo galayaan:-
Group E:
5:30 Galabnimo: Mauritania Vs Angola.
Group F:
8: 00: Habeenimo: Cameroon vs Ghana.
11:00 Habeenimo: Benin vs Guinea-Bissau.
Dhinaca kale waxaa caawa iyo galabtaba la ciyaari doonaa kulamo ka tirsan wareega siddeeda ee koobka adduunka Dumarka 2019 waxaana ka mid ah:
4: 00 Galabnimo: taly Vs Netherlands.
7:30 Habeenimo: Germany Vs Sweden.
Halka sidoo kale caawa la ciyaari doono kulan ka tirsan wareega siddeed dhamaadka Copa America 2019 waxaana uu yahay.
10:00 Habeenimo: Uruguay Vs Peru.
Gool FM.