Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Xulalka gabadhaha Netherlands iyo Sweden oo iska xaadiriyey afar dhammaadka Koobka Adduunka ee Dumarka 2019… + SAWIRRO

$
0
0

(Paris) 29 Juunyo 2019. Xulka qaranka Gabadha Netherlands iyo kuwa Sweden ayaa caawa guulo gaaray waxaana ay iska xaadiriyeen wareegga afar dhamaadka tartanka Koobka Adduunka haweenka ee 2019.

Haddii aynu ku horreyno xulka  Netherlands ayaa 2-0 kaga adkaaday Italy, waxaana ay gaareen Semi-finalka Koobka Adduunka Dumarka 2019.

Gabadha Talyaaniga ayaa isaga haray tartanka Koobka Adduunyada sanadkan kaddib markii ay guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay Holland, waxaana xulka Netherlands labada gool u kala dhaliyey qeybtii labaad ee ciyaarta 70’daqiiqo Vivianne Miedema iyo 80’daqiiqo Stefanie Van der Gragt.

Dhinaca kale gabadha Germany ayaa laga cirib-tiray Koobka Adduunka Dumarka kaddib markii ay guuldarro kala kulmeen Sweden.

Gabadha Sweden ayaa 2-1 ku dubtay dhiggooda Germany waxaana ay iska xaadiriyeen wareegga afar dhammaadka Koobka Adduunka Dumarka 2019.

Xulka Sweden ayaana guul soo laabasho ah ka gaartay kuwa Jarmalka oo goolka la horreeyey.

Gabadha Sweden ayaa goolka looga naxsaday 16’daqiiqo waxaana ugu shubtay xiddigta xulka Germany ee Lina Magull, laakiin waxaa goolkaas barbareysay 22’daqiiqo gabadha Sweden ee Sofia Jakobsson, kulanka ayaana lagu kala nastay gar isku mid ah 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay 48’daqiiqo waxaa goolka labaad ee kulankan u dhaliyey xulka Sweden Stina Blackstenius, kaasoo ahaa goolka ay guusha ku qaateen kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 lagu dardaray gabadhaha Germany.

Italy iyo Germany ayaa isaga haray caawa koobka Adduunka Dumarka 2019, halka xulalka Netherlands iyo Sweden ay iska xaadiriyeen afar dhammaadka tartankan oo si habsami leh uga socda Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Gabadhaha Netherlands ayaa afar dhammaadka koobka Adduunka haweenka la ciyaari doona Sweden, halka USA ay la dheeli doonaan England.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles