(Paris) 30 Juunyo 2019. Wargeyska “Le Parisien” ee dalka France ayaa wuxuu shaaca ka qaaday Faahfaahin dheeraad ah ee ku aadan qiimaha ay kooxda Paris Saint-Germain ku dooneyso inay ku iibiso xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.
Waxaa dhawaanahan soo badanayay waxararka ku saabsan in Neymar Jr uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona, kaddib 2 sano kaliya uu kaga biiray Paris Saint-Germain oo bixisay qiimaha lagu kansalay heshiiska uu ku joogay Cump Nou ee gaarsiisnaa aduun dhan 222 milyan oo euros.
Hadaba sida laga soo xigtay wargeyskan kasoo baxa Faransiiska, Paris Saint – Germain ayaa diyaar u ah inay ku iibiso Neymar Jr isla qiimihii ay kaga soo qaadatay Barcelona ee gaarsiisnaa 222 milyan oo euros, ama dhinaca kale ay bixiso Barca qiimo dhan 130 ilaa iyo150 milyan euros, lagu daray 2 ka mid ah xiddigaha kooxdeeda ku sugan.
Waxaa jira magacyo dhowr ah ee la filayo inay qeyb ka noqdaan heshiiska uu Neymar Jr dib ugu laabanayo garoonka Cump Nou, waxaana hogaaminaya Ivan Rakitic, Philippe Coutinho iyo Samuel Umtiti.
Wargeyska “Le Parisien” ayaa jimcihii lasoo dhaafay xaqiijiyay in PSG ay hoos u dhigtay qiimihii ay marka hore dul dhigtay Neymar Jr ee gaarsiisnaa 300 milyan euros si ay u iibiso, waxayna ka dhigtay 222 milyan oo euros ee ah qiimaha ay markii horey kaga soo qaadatay.
Gool FM.