(Paris) 30 June 2019. Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa tilmaamay in aabaha dhalay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr uu si weyn kaga soo horjeeday fikrada uu wiilkiisa kaga dhaqaaqay Barcelona isla markaana uu ugu biiray kooxda Paris St Germain xagaagii 2017.
Sida laga soo xigtay wargeyskan Isbaanishka ah, ilo ku dhow Aabiha Neymar Jr, ayaa waxay xaqiijiyeen inuu isku dayay in wiilkiisa u ka diido u dhaqaaqiska PSG, islamarkaana uu ku qanciyo inuu sii wato u ciyaarista kooxda reer Catalonia.
Laakiin aabaha xidiga reer Brazil ayaa wuxuu ku guuldareystay inuu u diido wiilkiisa ku biirista kooxda PSG, maadaama ay Neymar ka go’need inuu ka baxo hooska Lionel Messi, isagoo raadinayay ku guuleysiga abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or iyo in kooxdiisa cusub uu ku hogaamiyo ku guuleysiga Champions League, intaas waxaa sii dheeraa lacagaha waalida ah ee naadiga reer France.
Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, aabaha Neymar ayaa fariin qoraal ah uu u diray wiilkiisa wuxuu ku sheegay:
“Waad ka qoomameyn doontaa hadii aad ka tagto kooxda Barcelona”.
Kaddib lix bilood oo uu joogay kooxda Paris Saint-Germain waxay u muuqatay in hadalka aabaha dhalay xiddiga reer Brazil uu ahaa miduu ku saxnaa, kaddib markii uu la kulmay dhaawacyo joogta ah, iyo khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo xiddigaha Edison Cavani iyo Kylian Mbappé, sidoo kale ay jirta niyadjab ku aadan inuusan wali kula guuleysan PSG tartanka Champions League, tan iyo markii uu yimid.
Yeelkadeeda, aabaha Neymar Jr ayaa haatan ah mid si weyn u xiiseenaya fikrida uu dib ugu laabanayo wiilkiisa kooxda Barcelona, wuxuuna ka qoomameynayaa go’aankii uu kaga soo dhaqaaqay kooxda reer Catalonia, isagoo si aad ah ugu shaqeyn doona inuu dib ugu soo celiyo garoonka Cump Nou, inkastoo ay tahay mid aad u adag.
Gool FM.