Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Shabakada “Sky Sports” oo shaacisay waxa uu Neymar ka codsaday PSG, kaddib kulankii dhex maray isaga iyo Leonardo

$
0
0

(Paris) 16 Luulyo 2019. Shabakada “Sky Sports” ayaa xaqiijisay in Neymar Jr oo codsaday in laga fasaxo kooxda Paris St Germain, hadalkan ayaana wuxuu imaanayaa kaddib kulankii ay shalay wada qaateen xiddiga reer Brazil iyo agaasimaha ciyaaraha ee PSG Leonardo.

Neymar Jr oo 27 jir ah ayaa lala xiriirinayaa in markale uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona, ​​kaddib markii ay wargeysyo badan xaqiijiyeen inuu doonayo inuu ku laabto Barca.

Shabakada ayaa sheegtay in kulankii uu Neymar Jr la qaaay Leonardo uu ku xaqiijiyay hal arrin oo kaliya, waana inuu si xoogan u xiiseenayo ka tagista Paris St Germain.

Wararka ayaa waxay sidoo kale intaas ku sii darayaan in maamulka kooxda PSG ay isku dayeen inay ku qanciyaan Neymar Jr in uu bedelo go’aankiisa, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa ku adkeystay fikirkiisa, waxaana uu diiday inuu shaaca ka qaado kooxda uu xiiseenayo inuu ku biiro.

“Sky Sports” ayaa sheegtay in PSG aysan wali war rasmi ah kasoo saarin arrintan, balse Shabakada ayaa waxay xaqiijisay inay socdaan wada hadalada Barcelona ee la doonayo in markale uu dib ugu laabto xiddiga reer Brazil.

Barcelona ayaan weli dalab rasmi ah kasoo gudbinin Neymar Jr, lakiin kooxda reer Catalonia ayaa ka warqabta inay tahay inay bixiyaan laba ciyaaryahan si ay qeb kaga noqdaan heshiiska uu Neymar Jr dib ugu soo laabanyo garoonka Camp Nou.

Ciyaaryahanka reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa ah xiddiga ugu cad cad ee qeybta ka noqon kara heshiiska uu Neymar dib ugu soo laabanayo kooxda Barcelona, laakiin Sky Sports ayaa dhankeeda sheegtay in arrintan ay tahay warar suuqeed.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles