Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG oo fariin cad u diray xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr

$
0
0

(Paris) 26 Luulyo 2019. Ma ahan wax cusub in laga hadlo rabitaanka Neymar Jr ee ah in xagaagan uu ka tago kooxda Paris Saint-Germain.

Laakiin agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris Saint-Germain Leonardo ayaan meesha ka saarin suurtogalnimada uu Neymar ku sii joogi karo garoonka Parc des Princes, taasina waa waxa uu u sheegayay ciyaaryahanka reer Brazil saacadihii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Barcelona, gaar ahaan isagoo dareensan sida uu u faraxsanaa maalmihii uu ku sugnaa garoonka Camp Nou, mana u muuqdo mid ku faraxsan labo sano kaddib kooxda heysata horyaalka France Ligue 1.

Image result for Leonardo and Neymar

Kooxda reer France ayaa muujisay fikrada ay ku dooneyso inay ku iibiso Neymar Jr inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, laakiin diyaar uma ahan inay aqbalaan dalab kasta, xitaa waxay diideen ciyaartoyda ay u soo bandhigtay Barca si ay qeyb kaga noqdaan heshiiska uu dib ugu laabanayo Camp Nou, taasoo arrinta ka dhigeysa xaalad shaki ah xiligan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris Saint-Germain Leonardo, wuxuu dhowr jeer la xiriiray Neymar Jr dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, wuxuuna u cadeeyay inuusan kahor imaan doonin bixitaankiisa, laakiin kaliya waa inuu helaa dalab buuxiya himilooyinka kooxda.

Leonardo ayaa u sharaxay Lambarka 10-aad ee kooxda Paris Saint-Germain in hadii aan helin dalabka ay sugayaan, inuu sii joogo isla markaana uu u hoggaansamo sharciyada kooxda.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles