Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Saxiixa cusub ee kooxda Paris Saint-Germain Jese Rodriguez oo qalliin lagu sameeyey

$
0
0

Jese

(Paris) 14 Agoosto 2016 – Laacibka cusub ee kooxda Paris Saint-Germain ee Waddanka Faransiiska ay dhowaan soo iibsatay ee Jese Rodriguez ayaa xanuun dhinaca Caloosha ah ku soo booday, waxaana si dhaqso ah loogu sameeyay qalliin Qabsinka ah oo ku dhammaaday si guul ah.

Wargeysyada Spanish-ka ayaa qoraya in Jese oo 23-sano jir ah uu garoommada ka maqnaan doono muddo 2 Toddobaad ah.

Ciyaartoygii hore ee kooxda Real Madrid Jese, waxa uu kulankiisii ugu horreeyay u saftay PSG ciyaartii Jimcihii ay la dheeleen Bastia, kulankaas oo 1-0 ay ku badisay PSG.

Jese waxa uu dhowaan heshiis 5 sanadood ah u saxiixay kooxda Paris kaddib markii ay Real kaga soo qaadatay 25 Milyan oo Euro.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles