(Torino) 14 Agoosto 2016 Kooxda macalin Allegri ee Juventus ayaa daba taagan badalka laacibkii katagay ee Paul Pogba kaas oo ku biiray kooxda Man United.
Sida laga soo xigtay TuttoSport maamulka kooxda Juventus ayaan wali ka quusan saxiixa Blaise Matuidi, waxayna haatan isku diyaarinayaan inay ka gudbiyaan dalab maalmaha nagu soo aadan.
Inkasta oo uusan kamid ahayn dooqa koowaad ee tababare Unai Emery, hadana kooxda PSG ayaan diyaar u ahayn inay iska iibiso laacibkeeda Blaise Matuidi.
Tababare Max Allegri ayaa doonaya inuu si dhaqso ah u soo xerogaliyo badalka Pogba, mana ahan Blaise Matuidi laacibka kaliya ee kooxdu ay ka doonayso suuqa kala iibsiga.
Gool FM