Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Rivaldo: “Benzema ayaa ka wanaagsan Griezmann, haddii uu joogi lahaa Euro 2016 Faransa Koobka ayay qaadi lahayd”

$
0
0

Y8xZg

(Paris), 16 Agoosto 2016       –Xidiggii hore ee xulka Qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona Rivaldo ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Weeraryahanka Faransiiska iyo Real Madrid, Karim Benzema uu ka wanaagsan yahay dhaliyaha ay isku waddanka yihiin ee u ciyaara Atletico Madrid, Antoine Griezmann.
Wareysi uu Rivaldo siiyay wargeyska ‘L’Equipe’ ee Faransiiska ayaa waxaa laga hayaa “Griezmann wuxuu soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay hadday ahaan lahayd Naadigiisa Atletico ama xulka Faransiiska, waxaana uu soo gaarsiiyay FInal-kii Euro 2016, laakiin sidaas oo ay tahay waxaan leeyahay Benzema waa laacibka 1-aad ee Kubadda Cagta Faransiiska”.
“Benzema waxa uu muujiyay inuu yahay mid ka mid ah Weeraryahannada ugu wanaagsan caalamka markii uu ku sugnaaday heerarka ugu sarreeya, iyo isagoo la tacaamulay culeysyada naadi weyn sida Real Madrid oo kale oo aysan fududeyn” ayuu sii raaciyay Rivaldo.
Laacibkii hore ee Brazil waxa uu ku soo khatimay “Faransiisku way ku khasaartay ka reebistiisii Koobkii Qarammada Yurub, waxaana aaminsanahay in haddii Benzema uu joogi lahaa uu Faransiiska ka caawin lahaa in ay Koobkaasi ku guuleystaan halka ay khasaareen”.
Faransiiska ayaa ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Euro 2016 waxaa guuldarro huwiyay xulka Portugal oo 1-0 Koobkii ku qaaday.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles