Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

PSG oo beegsanaysa mid kamid ah weerar yahanada Barcelona (Waa kee?)

$
0
0

http://www.thedailystar.net/sites/default/files/styles/very_big_1/public/feature/images/

(Paris) 17 Agoosto 2016 Kooxda PSG ee dalka Faransiiska ayaa beegsanaysa mid kamid ah weerar yahanada kooxda Barcelona suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Marca ayaa daaha ka qaaday in tababaraha PSG Unai Emery uu la dhacsanyahay qaab ciyaareedka 20 jirka weerarka uga ciyaara Barcelona ee Munir El Haddadi.

Tababare Unai Emery ayaa u arka laacibka badalka Cavani iyo Jese kuwaas oo kali ku ah weerarka kooxda reer France, wuxuuna xiisaynayaa inuu la soo wareego Munir El Haddadi kaas oo ku dhiban inuu boos joogto ah ka helo kooxda macalin Luis Enrique.

http://bestfootballers.com/wp-content/uploads/2016/08/

Munir El Haddadi ayaa u muuqda mid sii wayn kara booskiisa keydka kooxda Barcelona kadib markii la arkay tababare Enrique oo suuqa ka raadinaya weerar yahan 4-aad.

Xiisaha Barcelona ee weerar yahan 4-aad ayaa dhiiro galin u ah kooxda PSG oo doonaysa inay la wareegto Munir El Haddadi.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles