Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Blaise Matuidi oo ogolaaday inuu ku biiro Juventus

$
0
0

Matuidi

(Torino) 17 Agoosto 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda PSG Blaise Matuidi ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda Juventus sida laga soo xigtay Sky Italia.

Juventus ayaa si wayn u doonaysa saxiixa 29 jirka reer France ee Blaise Matuidi si ay ugu buuxiso laacibkii ku biiray Man United ee Paul Pogba.

Blaise Matuidi ayaa soo dhaweeyay fikirka ah inuu ku biiro Juventus maadama uu dareemay inay adagtahay inuu boos joogto ah ka helo kooxdiisa PSG.

http://cdn.images.express.co.uk/img/dynamic/67/590x/

Qandaraaska Matuidi ee PSG ayaa ku eg June 2018, waxaana xusid mudan in qandaraaskiisa lagu burburin karo aduun dhan 30 milyan oo euro.

Matuidi ayaa ah dooqa koowaad ee Juventus ay ka doonayso suuqa kala iibsiga kadib markii Inter Milan ay diiday inay ka iibiso Marcelo Brozovic .

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles