(Brazil) 17 Agoosto 2019. Macalinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa shaaca ka qaaday inuu wada hadal dhex maray isaga iyo xididga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr, kaasoo ku aadan mustaqbalkiisa inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.
Neymar Jr ayaa si weyn lala xiriirinayaa inuu dib ugu laabanayo garoonka Camp Nou, kaddib markii uu si cad u sheegay inuusan dooneynin inuu sii joogo Paris, halka wafdi ka socda Barcelona ay u safreen dalka France si ay ugala xaajoodaan PSG suurtogalnimada ay dib kaga ceshan karaan xiddigan reer Brazil.
Dhinaca kale kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ee Madrid Real Madrid ayaa muujisay sida xoogan ay u xiiseeneyso adeega Neymar Jr, waxayna rajo xoogan ka muujiyeen saxiixiisa inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.
Hadaba macalinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay mustaqbalka NeymarJr wuxuuna yiri:
“Waxaan khadka taleefanka kula hadlay Neymar, wuxuu ii sheegay inuu xasiloon yahay isla markaana uu sugayo warka kasoo yeera maamulka kooxda Paris Saint-Germain”.
“Neymar wuu degen yahay wuxuuna ka war qabaa inay haatan ka socdaan wada hadalo ku aadan mustaqbalkiisa qalcada Paris”.
“Wuxuu ii sheegay inuu faraxsan yahay waqtigan la joogo, isla markaana uusan wax welwel ah ka qabin mustaqbalkiisa, xaaladiisana ay aad u wanaagsan tahay”.
“Waxaan u rajeenayaa inuu qaato go’aanka ugu saxan ee xirfadiisa kubadda cagta, laakiin waajib iguma ahan xaqna uma lehi inaan kula taliyo inuu u dhaqaaqo halkan ama halkaas”.
“Neymar waa xiddig aad u fiican, magac weyna ku dhex leh dunidan, hadalkiisu wuxuu noqon doonaa kan ugu horreeya uguna dambeeya, muhiimna maahan inaan faragalin ku sameyno arrintan.
Gool FM.