(Paris) 18 Agoosto 2019.Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain Thomas Tuchel ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id oo gaar ah kahor kulankooda koowa ee horyalka France Ligue 1 ay caawa kula ciyaari doonaan naadiga Rennes.
Thomas Tuchel ayaa wuxuu ka hadlay waxyaabo badan ee quseeya ciyaarta caawa wuxuuna sidoo kale taabtay arrimo ku saabsan suuqa kala iibsiga, gaar ahaan xaalada xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr iyo suurtogalnimada uu kaga dhaqaaqi karo Paris Saint-Germain maalmaha soo socda.
Macalinka reer Germany ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay:
“Haddii aan xal la hilin, Neymar Jr wuxuu sii joogi doonaa Paris Saint-Germain mana bixi doono”.
“Neymar waxaa heshiiskiisa ka harsan 3 xili ciyaareed oo kaamil ah, sidaas darteed qof walba wuxuu jecel yahay in xal la helo, haddii aysan dhicina wuxuu sii ahaan doonaa xiddig ka tirsan PSG”.
Si kastaba ha noqotee xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa talaabo u jira inuu ka tago kooxda Paris St Germain maalmaha soo aadan ee ka harsan suuqan kala iibsiga ee xagaaga, kaddib markii uu tababarka u qaatay si gooni ah isla markaana laga reebay kulamada kooxda bilowga xilli ciyaareedka, isagoo lala xiriirinayo inuu ku biirayo midkood kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.
Gool FM.