(Monaco) 29 Agoosto 2019. Waxaa goordhow soo gabagaboobay isku aadka heerka guruubyada Champions League oo caawa lagu sameeyey Magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.
Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa gashay guruub adag, waxaana ay Guruubka F la gashay Borussia Dortmund iyo Inter.
Real Madrid ayaa Guruubka A ku arki doonta naadiga PSG iyo Galatasaray, halka Bayern Munich ay guruubka B ku wajahayso Tottenham Hotspur.
Kooxda Juventus ayaa dhankeeda guruubka D kula jirta kooxda reer Spain ee Atletico Madrid.
Kulamada wareega group-yada waxaa la ciyaari doonaa September 17-18, October 1-2, October 22-23, November 5-6, November 26-7 iyo December 10-11.
Isku aadka oo dhammaystiran halkaa hoose ka eeg:-
Group A: PSG, Real Madrid, Club Brugge, Galatasaray
Group B: Bayern Munich, Tottenham Hotspur, Olympiacos, Red Star
Group C: Manchester City, Shakhtar, Dinamo Zagreb, Atalanta
Group D: Juventus, Atletico Madrid, Bayer Leverkusen, Lokomotiv Moscow
Group E: Liverpool, Napoli, RB Salzburg, Genk
Group F: Barcelona, Borussia Dortmund, Inter, Slavia Prague
Group G: Zenit, Benfica, Lyon, RB Leipzig
Group H: Chelsea, Ajax, Valencia, Lille
Gool FM.