(Paris) 30 Agoosto 2019. Haddii ay dhacdo saacadaha soo socda in la xaqiijiyo u dhaqaaqista Neymar Jr ee kooxda Barcelona, agaasimaha ciyaaraha PSG Leonardo Araújo ayaa heysta fikrado cad ee ku saabsan waxa uu sameyn doono si uu u keeno badalkiisa.
Sida laga soo xigtay wargeyska “La Gazzetta dello Sport” agaasimaha ciyaaraha kooxda PSG Leonardo ayaa wuxuu xiriir joogta ah la sameeyay wakiilka Paulo Dybala dhowr toddobaad, gaar ahaan markii uu dareemay in maamulka Juventus ay doonayaan in kooxda ay ka diraan.
Wargeyska ayaa wuxuu intaas ku daray in wadahadaladii u dhaxeeyay kooxaha Inter Milan iyo Juventus ee ku saabsanaa inay isdhaafsadaan xiddigaha Paulo Dybala iyo Mauro Icardi la joojiyay, kaddib imaatinka Alexis Sanchez ee garoonka San Siro.
Sidaas darteed, Paris Saint-Germain uu hogaaminayo agaasimaheeda ciyaaraha ee Leonardo ayaa ku sii nagaan doona diyaar garowga maalmaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga, sababtoo ah waxay u arkaan Paulo Dybala inuu yahay badelka saxda ah, si uu ugu ciyaaro booska Neymar ee kooxda PSG.
Gool FM.