(Barcelona) 31 Agoosto 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Luis Suarez ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Blaugrana, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka dhaqaaqayo garoonka Camp Nou.
Luis Suarez ayaa wareysi uu ku bixiyay Radio “Sport 890” ee dalka Uruguay wuxuu ku sheegay:
“Waligey kuma fikirin inaan ka tago Barcelona, Waxaan doonayaa inaan caawiyo kooxda, waxaan ku suganahay kooxda adduunka ugu fiican”.
Suarez ayaa sidoo kale ka hadlay suurtogalnimada uu Neymar Jr dib ugu soo laaban karo garoonka Camp Nou. iyo fursadda uu mar kale ugu ciyaari karo Barcelona wuxuuna yiri:
“Waan ogahay in waqti adag uu ku jiro Neymar, waa inaan ku caawinaa in qoyskiisa uu kala tashado sida ugu fiican, waa isaga qofka kaliya ee go’aan gaari kara”.
Si kastaba ha noqotee, Neymar Jr ayaa waayo qurux badan ku soo qaatay kooxda Barcelona mudaddii uu ku sugnaa garoonka Camp Nou, kahor inta uusan Paris Saint-Germain ugu dhaqaaqin heshiiska ugu qaalisan abid taariikhda kubadda cagta ee adduunka, kaasoo gaarayay 222 milyan oo euro, waxaana markale lala xiriirinayaa inuu dib ugu soo laabanayo Barca, kahor inta uusan xirmin suuqan xagaaga 2019.
Gool FM.