(Paris) 19 Agoosto 2016 Xiddiga kooxda PSG ee Thiago Motta ayaa ka codsaday saaxiibkiis Balise Matuidi inuu iska sii joogo kooxdiisa kadib markii lala xiriiriyay kooxaha Juventus iyo Chelsea.
PSG ayaa dhibaato kala kulmaysa inay sii haysato laacibkeeda reer France kaas oo doonaya inuu katago maadama uusan boos joogto ah ka helayn shaxda tababare Unai Emery.
Thiago Motta ayaa ugu baaqay Matuidi inuu iska sii joogo PSG maadama kooxdu ay aad ugu baahantahay inay iska adkayso qadka dhexe.
“Xiriir fiican ayaa igala dhexeeya Blaise Matuidi, haddii uu i waydiisto talo siin, waxaan u sheegi doonaa inuu iska sii joogo halkaan” ayuu u sheegay warfidiyeenada.
“Qadka dhexe ee PSG waa halka aan ka xooganahay, tira koobka ayaa taas xaqiijiyay, haddii uu tago waxay nootahay khasaaro wayn”.
“Balise Matuidi shaqo aan la rumaysan karin ayuu u haayaa kooxda oo uu la socdo aqli wanaagsan, waxaan u baahanahay ciyaartoyda nuuciisa oo kale ah”.
Gool FM