(Rio de Janeiro) 20 Agoosto 2016 – Ciyaaryahan lagu magacaabo Yohann Diniz oo Faransiiska u metelayay Socodka 50km ee Cayaaraha Rio de Janeiro ee Brazil ayaa caloosha laga qabtay isagoo ku guda jira tartanka dhexdiisa waxaana uu ka gaari waayay Suuliga isagoo saxaro ka fakatay.
Markii tartanku socday muddo 45 daqiiqo ah ayay Diniz kaamirooyinku qabteen xilli calool majiir ku bilowday, waxaana taa xigtay isagoo miir doorsoomay oo dhulka ku dhacay.
Ninkan oo haysta Horyaalnimada Socodka 50km ayaa dib u soo kacay, waxaana uu tartankani ka galay kaalinta 8-aad.
Warbaahinta ayaa soo bandhigtay ceebtan u taalla faransiiska, waloow dadka alladaha xiriirka bulshadu ku xiriirto isticmaala ay qaarkood yiraahdeen ‘Ma haboonayn in sawirro ceynkan ah la soo dhigo, muhiimna ma’ahan’ balse Kaamirooyinku howshoodu way yaqaanaan.
SAWIRRO:
Gool FM.