(Paris) 27 Agoosto 2016 – Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa xaqiijiyey in Blaise Matuidi uu heshiis cusub oo waqti dheer qalinka ugu duugi doono kooxda xafidanaysa horyaalka France, taasoo soo geba-gebaysayna wararka la ila dhexmarayey dhowaan ee ku saabsan mustaqbalka laacibkan khadka dhexe.
Matuidi ayaa si weyn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono kooxda Juventus, si ay kooxda reer Talyaani uga dhigato bedelka Paul Pogba, kaasoo heshiis rikoodh ah dib ugu biiray kooxda Manchester United xagaagan.
Waxaa horay loo shaaciyey in xiddiga xulka qaranka France uu ogolaaday heshiis uu ugu biiray kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A horraantii usbuucan, laakiin Al-Khelaifi ayaa shaaca ka qaaday in Matuidi uu hadda baaqi ku sii ahaan doono Paris, isla markaana uu heshiis cusub u saxiixi doono.
“Waxaan xaqiijin karaa inuusan naga tagi doonin, heshiiska ayuuna inoo kordhin doonaa,” ayuu Al-Khelaifi u sheegay Le Parisien.
“Waxaan mar walba u rajaynayaa inuu sii joogo, waxaana sidoo kale mar walba doonayey inuu sii joogo, waa ciyaaryahan heer sare ah, kaasoo had iyo jeer siiya wax waliba PSG.”
Matuidi, kaasoo qeyb ka ahaa xulkii France ee gaaray Final-ka tartankii EURO 2016 ayaa PSG kaga soo biiray kooxda Saint-Etienne sanadkii 2011.
Gool FM.