Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Macallinka xulka France ee Didier Deschamps oo ka hadlay dhaawaca N’Golo Kante… (Miyuu yahay mid halis ah?)

$
0
0

(Yurub) 12 Okt 2019. N’Golo Kante ayaa ka maqnaa xiddigaha xulka qaranka France ee la ciyaaray Iceland, maxaa yeelay waxa uu qabay dhaawac, laakiin macallinka xulka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa sheegay in dhaawaca laacibkan uusan ahayn mid halis ah.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ayaa loo magacaabay safka hore waxaana la qorsheeyay inuu ciyaaro kulanka isreeb-reebka Euro 2020 ka hor inta uusan dhaawac muruqa ahi gaarin.

Taasi waxa ay la minco noqotay in tababare Didier Deschamps uu booskii Kante ku bedelo laacibka Tottenham ee Moussa Sissoko kulankii Guruubka H ka tirsanaa kaasoo xulka qaranka France uu 1-0 ku adkaatay.

“Waxa uu xanuun ka dareemayey muruqa” ayuu macallin Deschamps sheegay kulanka kaddib.

“Wuxuu dareemay inuusan ku qanacsanayn inuu ku ciyaaro dhaawaca, waxaan qaatay go’aanka ah inaan ka saaro kooxda, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inay ka sii xumaato xaaladdu sidan.

“Waxaan ogaa in Moussa uu diyaar noqon doono.

“Uma maleynayo inuu aad u culus yahay dhaawaca Kante, laakiin jawaab uma hayo inuu ciyaari doono kulanka Talaadada ee Turkey.”

Maqnaanshaha Kante ayaa walwal ku noqon doonta macallin Deschamps, maadaama ay durba maqan yihiin; Kylian Mbappe, Hugo Lloris iyo Ousmane Dembele.

Laacibkan khadka dhexe ee N’Golo Kante kooxdiisa ayaa sidoo kale ka cabsi qabi doonta taam ahaanshihiisa.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa rajaynaya in ciyaaryahankii hore ee Leicester uu taam u noqon doono Blues kulanka ku soo aaddan ee Premier League, kaasoo ay garoonkooda ku soo dhoweyn doonaan Newcastle 19-ka bishan October.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles