(Paris) 13 Okt 2019. Tababare Didier Deschamps ayaa qarka u saaran inuu qandaraaska u kordhiyo xulka uu hoggaamiyo ee Faransiiska.
Jariiradda L’Equipe ayaa warinaysa in Maamulka xulka France uu diyaar u yahay inay heshiis cusub ka saxiixdaan macallin Didier Deschamps.
50 sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu qalinka ku duugo heshiis labo sanadood ah oo cusub, kaasoo xulka lagu naanayso Les Bleus ku sii hayn doona illaa dhammaadka sanadka 2022-ka.
Macallin Deschamps ayaa hoggaanka u hayey xulka qaranka Faransiiska tan iyo sanadkii 2012-kii, waxaana uu sanadkii la soo dhaafay ee 2018 ku hoggaamiyey koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Ruushka.
Gool FM.