(Yurub) 23 Okt 2019. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa Lionel Messi ka jabiyey rikoor uu horay u haystay, isagoo noqday xiddiga ugu da’da yar ee 15 gool ka dhaliya Champions League.
kaddib markii kaliya dhaawac uu dib ugu soo laabtay ayuu 20-sano jirkaan Mbappe waxa uu qeybtii labaad ee ciyaarta dhaliyey saddexleey kulankaasoo ay kooxdiisa PSG 5-0 uga badisay Club Brugge, waxaana labada gool ee kale dhaliyey Icardi.
Waxa ay taasi ka dhigan tahay in Mbappe uu dhaliyey 15 gool oo Champions League isagoo jira da’da 20-ka sano iyo 306 maalmood, isagoo sidaas ku noqday xiddigaha ugu da’da yar ee goolashaas 15-ka ah ka dhaliya UCL, waxaana uu rikoorkaas ku garaacay Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.
Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Messi ayaa rikoorkan horay u haystay kaasoo 15 gool oo Champions League horay u dhaliyey isagoo jira da’da 21 sanadood iyo 288 maalmood.
Leo Messi qudhiisa ayaa rikoorkaan horay ugu garaacay halyeyga kooxda Real Madrid ee Raul kaasoo mar ahaa xiddigii ugu da’da yaraa ee 15 gool ka dhaliya Champions League waxaana uu ku gaaray rikoorkaas 22 sanadood iyo 163 maalmood, balse haatan labadoodaba waxaa garaacay xiddiga reer France ee Mbappe, kaasoo haatan haysta rikoorkaas kaddib markii uu xalay jabiyey.
Gool FM.