Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Xulka Belgium oo laga saari la’yahay kaalinta koowaad qiimeynta billaha xulalka adduunka ee FIFA… (Kaalintee ayay ku jiraan xulkeenna Soomaaliya iyo dalalka la jaarka ah?)

$
0
0

(World) 26 Okt 2019.  Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey qiimeynta billaha ah ee kala sarreynta xulalka Adduunka, waxaana kaalinta koowaad ka soo muuqday xulka qaranka Belgium.

Xulka ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 lagu qabtay dalka Ruushka ee France ayaa kaalinta labaad ku sii jira oo aan wax isbedel ah sameynin, si la mid ah xulka Brazil oo kaalinta saddexaad fadhiya oo aysan waxba iska bedelin booskiisa bishii hore.

Xulka qaranka England ay isaguna ku jira kaalinta afaraad oo uusan isbedel ku dhicin, Portugal ayaa ku jira kaalinta afaraad hal boos hoos uga dhacay waxaana uu ka soo muuqday kaalinta shanaad.

Uruguay oo horumar sameeyey ayaa soo tiigsaday kaalinta afaraad ee qiimeynta billaha FIFA, halka xulkii gaartay afar dhammaadka Koobkii Adduunka 2018 ee Croatia ay hoos ugu dhaceen kaalinta todobaad.

Xulka Spain ayaa ku jira kaalinta 8-aad, halka Argentina ayaa ku jiraan kaalinta sagaalaad.

Xulka qaranka Colombia ayaa dhammaystiray 10-ka sare ee kala sarreynta qiimeynta billaha ee xulalka adduunka ee FIFA.

Dhanka kale xulkeenna Soomaaliya ayaa horumar ballaaran sameeyey waxaana uu soo galay kaalinta198-aad, isagoo  muddo badan ku jiray kaalinta 202-aad iyo wixii ka hooseeya, iyadoo xulka Eritrea uu ka soo muuqday 206-aad.

Xulka Jabuuti ayaa 10 darajo sare u kac sameeyey waxaana uu ka soo muuqday kaalinta 185-aad, xulka Kenya uu joogo kaalinta 108, Ethiopia ayaana ku jira 151-aad.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles