Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Jose Mourinho oo hoggaaminaya liiska macallimiinta lacagaha ugu badan ku bixiyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

$
0
0

(Europe) 29 Okt 2019. Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa daabacay warbixin uu ku soo bandhigay liiska macalimiinta lacagaha ugu badan ku bixiyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, si ay u shaqaaleysiiyaan ciyaartooy cusub xirfadooda tababarnimo dhamaan kooxihii ay soo mareen.

Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa hogaaminaya liiskan, isagoo qarash gareeyay lacag dhan hal bilyan iyo 100  milyan oo euro, waxaana ku jira dhamaan heshiisyadii uu u sameeyay kooxaha Porto, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo Manchester United.

Macalinka kooxda Manchester City ee  Pep Guardiola ayaa kaalinta labaad kaga jira liiskan wuxuuna xirfadiisa macalinimo ku bixiyay suuqa kala iibsig ee ciyaartoyda qiimo lacageed lagu qiyaasay hal bilyan iyo 49 milyan oo euro.

Haddaba liiska macalimiinta lacagaha ugu badan ku bixisay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa waxaa ku soo baxay magacyo waaweyn, iyadoo Mourinho heshiisyadii uu u sameeyay kooxaha Porto, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo Manchester United ay ka dhigtay in liiskan uu kaalinta koowaad ka galo waxayn kala yihiin.

Jose Mourinho: 1. 100 milyan oo euro

Pep Guardiola: 1.49 milyan oo euro

Massimiliano Allegri: Hal bilyan oo euro

Manuel Pellegrini: € 931 milyan

Carlo Ancelotti: € 892 milyan

Unai Emery: € 688 milyan

Diego Simeone: € 654 milyan

Roberto Mancini: € 638 milyan

Antonio Conte: € 633 milyan

Arsene Wenger: € 617 milyan

Jurgen Klopp: 618 milyan euro

Ernesto Valverde: € 559 milyan

Rudi Garcia: € 496 milyan

Luciano Spalletti: € 489 milyan

Leonardo Jardim: 454 milyan yuuro.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles