(Monaco) 13 Nof 2019. Laacibka khadka dhexe ee kooxda kubadda cagta Real Madrid, Luka Modric ayaa ku guuleystay abaal-marinta Golden Foot ee la guddoonsiiyey ciyaaryahannada sii duqoobaya ee kubadda cagta.
Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa u safray Magaalada Monaco ee Dalka Faransiiska si uu halkaas ugu soo guddoomo abaal-marinta cagta dahabka ah ee Golden Foot, taasoo lagu abaal-mariyo xiddigaha dhaafay da’da 29-ka sano ee kubadda cagta.
Luka Modric ayaa noqday ciyaaryahankii 17-aad ee ku guuleysta abaal-marintan, iyadoo ciyaaryahankii ugu horreeyey ee abaal-marintan ku guuleystay sanadkii 2003 uu ahaa Roberto Baggio.
Markii uu abaal-marintan guddoomay laacibka khadka dhexe ee Luka Modric waxa uu yiri: “Sharaf ayay ii tahay inaan hanto abaal-marintaan, waxaan dib ugu laabtay heerkeygii sare, waxaana soo bandhigay kulankii ugu dambeeyey ee Eibar.”
“Waxaa inoo dhimman 7 kulan oo muhiim ah ka hor dhammaadka sanadkan, waxaana isku dayi doonaa inaan sida ugu fiican u caawiyo kooxdeyda” ayuu hadalkiisa ku daray ku guuleysata abaal-marinta Golden Foot 2019.
Gool FM.