(France) 14 Nof 2019. Tababaraha xulka France ee Didier Deschamps ayaa si maldahan u weeraray macalinka kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde, sababa la xiriira hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka Antoine Griezmann.
Antoine Griezmann ayaa kaga soo biiray Barcelona xagaagii lasoo dhaafay kooxda Atletico Madrid qiimo dhan 120 milyan euro, laakiin xiddiga reer France weli ma uusan bixin qaab ciyaareedkii looga baahnaa inuu bixiyo.
Sababta ka dambeeysa in Antoine Griezmann uu ku dhibtoodo Barcelona ayaa loo aaneenayaa in tababare Ernesto Valverde uu ka ciyaarsiiyay boos aanan aheyn midkii uu kaga ciyaari jiray kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.
Antoine Griezmann ayaa kaga ciyaari jiray kooxda Atletico Madrid weerar toos ah, balse macalinka Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa wuxuu haatan ka ciyaarsiiyaa dhanka weerarka garabka bidix, taasoo keentay in qaab ciyaareedka ciyaaryahankan uu ku yimaado hoos u dhac weyn.
Haddaba Tababaraha xulka France ee Didier Deschamps ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay xaalada uu haatan Antoine Griezmann kaga ugan yahay kooxda Barcelona wuxuuna yiri:
“Uma maleynayo inay musiibo ku tahay Antoine Griezmann kooxda Barcelona, inkasta uu waxbadan sameyn karo, maxaa yeelay waxaan daawadaa dhamaan kulamadiisa, wuxuu ka ciyaaraa koox leh ciyaartoy aad muhiim u ah”.
“Waxaan u maleynayaa in waxa ku dhacaya Antoine Griezmann ay la xiriirto booska uu ka ciyaaro gudaha garoonka, markii uu joogay Atletico Madrid, wuxuu ka ciyaarayay booskiisii ugu fiicnaa, laakiin Barcelona xaalada wey ka duwan tahay”.
“Qof walba wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto xulka qaranka, Griezmann wuu ka war qabaa ahmiyada uu inoo leeyahay annaga iyo kalsoonida aan ku qabno isaga, waana sida ciyaartooyda kale”.
Gool FM.