(Yurub) 26 Nof 2019. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay 50 xiddig ee u sharraxan ama laga soo xuli doono Kooxda sanadka 2019.
Liiska 50-kaan ciyaaryahan ayaa waxa ay kala yihiin; shan goolhaye, 15 Daafac, 15 Khadka dhexe ah iyo 15 Weeraryahan.
Natiijada ugu dambeysa ee kooxda sanadka Yurub ee UEFA Team of the Year 2019 ama 11 laacib ee ugu fiican sanadka waxaa go’aamin doona codka Taageerayaasha ee soo codeeya.
Waxaadna adiguba aad haatan ka codeyn kartaa haddii aad u baahan tahay inaad codkaaga dhiibato website-ka rasmiga ah ee UEFA.
Haddaba halkaan hoose ka eeg 50 xiddig ee ee u sharraxan Kooxda Sanadka UEFA:-
Goolhayeyaasha: Ter Stegen, Alisson, Ederson, Oblak, Onana
Daafacyada: Alexander-Arnold, Azplicueta, Blind, De Ligt, Gimenez, Alba, Kimmich, Koulibaly, Laporte, Pique, Ramos, Robertson, Tagliafico, Van Dijk, Vertonghen.
Khadka dhexe: Bernardo Silva, Bruno Fernandes, David Silva, De Bruyne, Di Maria, Fabian Ruiz, Fabinho, De Jong, Henderson, Jorginho, Kante, Thiago, Van de Beek, Wijnaldum, Ziyech.
Weerarka: Aguero, Aubameyang, Firmino, Gnabry, Hazard, Kane, Lewandowski, Mane, Mbappe, Messi, Ronaldo, Salah, Son, Sterling, Tadic.
#TeamOfTheYear is back!
5⃣0⃣ stars compete for YOUR vote
Who should make the best team of 2019?VOTE NOW!
— UEFA Champions League (@ChampionsLeague) November 26, 2019
Gool FM.