(Paris) 26 Nof 2019. Wargeysyada gudaha dalka Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen musharaxa ugu cad cad ee ku guuleysan kara abaal-marinta Ballon d’Or 2019, taasoo ay sanad kasta bixiso majalada “France Football” ee dalka Faransiiska.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu dhow ee ku guuleysan kara abaal-marinta Ballon d’Or 2019, taasoo lagu bixin doono Isniinta soo socota magaalada Paris ee caasimada dalka France.
Wargeyska reer Spain ayaa wuxuu xusay in codeynta suxufiyiinta la xiray 9-kii Nofembar, waxaana jira calaamado muujinaya in Lionel Messi uu ugu dhow yahay ku guuleysiga abaal-marintan.
Inkastoo uusan Lionel Messi ku guuleysanin koob weyn sanadkan sida (Champions League ama Copa America), haddana wuxuu kubad fiican ka sameeyay tartamada yurub, wuxuuna ku guuleystay abaal-marinta gooldhaliyaha ugu sareeya, intaas waxaa sii dheer inuu bixiyay kulamo aan la iloobi Karin.
Guud ahaan, Lionel Messi wuxuu dhaliyay 44 gool tartamada oo dhan, sidoo kale wuxuu caawiyay 17 gool kale, 52 kulan uu ciyaaray.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in xiddiga kaliya ee Lionel Messi abaal-marintan ku ciriirin kara uu yahay daafaca reer Holland iyo kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk, sababa la xiriira in Reds uu ka caawiyay ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkii hore, halka Cristiano Ronaldo lagu soo waramayo inuu aad ugu fog yahay ku guuleysiga abaal-marintan.
Gool FM.