Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Wax walba uu Neymar Jr ka sameeyay kulamadii hore uu ka hor yimid kooxda Real Madrid

$
0
0

(Yurub) 26 Nof 2019. Taageerayaasha kubadda cagta ee adduunka ayaa waxay si weyn u sugayaan kulanka adag ay caawa kooxaha Real Madrid iyo Paris St Germain ku wada ciyaari doonaan garoonka Santiago Bernabeu.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa eegeysa inay Paris Saint-Germain kula biirto heerka bug-baxa Champions League marka ay labada kooxood caawa ku kulmaan Bernabeu.

Ciyaartan ayaa ka muhimsan lugtii hore ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Parc des princes, kaasoo ay PSG ku adkaatay 3-0, sababa la xiriira inay ka qeyb galayaan xiddigaha Neymar Jr iyo Kylian Mbappé kuwaasoo seegay kualnkii lugta hore.

Dhinaca kale kooxda uu hogaamiyo tababare Zinedine Zidane ee Real Madrid ayaa dhawaantan inbadan ka soo hagaagtay sidii horre ay aheyd, taasoo naga dhigeysa inaan filano daawashada kulan aad u xiiso badan ee aad u adag.

Neymar Jr ayaa ah ciyaaryahanka ugu badan kooxda Paris Saint-Germain ka tirsanka ee kahor horyimid Real Madrid muddo afar sano ah ee uu joogay naadiga Barcelona, ​​halkaasoo uu ku ciyaaray kulamo badan oo El Clásico ah, sidaas darteed waxa uu caadeystay kulamada noocan ah.

Neymar ayaa ciyaaray 9 kulan uu ka horyimid kooxda Real Madrid intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta, 8 ka mid ah wuxuu xirnaa maaliyada Barcelona, ​​kaliya hal kulan ayuu kaga hor yimid maaliyada PSG, wuxuuna awooday inuu dhaliyo 3 gool oo kaliya, laakiin qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah wuxuu ku guuleystay inuu caawiyo 5 gool, taasoo qiyaas ahaan ka dhigeysa inuu ka qeyb qaatay dhalinta gool kulan kasta.

Kulanka kaliya uu Neymar kaga hor yimid Real Madrid maaliyada Paris St Germain wuxuu ahaa lugtii hore wareega 16-ka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkii 2017-2018, wuxuuna ku guuldareystay inuu gool dhaliyo ama uu caawiyo, waxayna kooxdiisa la kulantay guuldarro weyn ee 3-0 ah.

Neymar ayaa ku guuleysatay inuu labo gool ka dhaliyo kooxda Real Madrid afartii kulan ee uu ku ciyaaray garoonka Santiago Bernabeu, kaasoo martigelin doona kulanka caawa, wuxuuna sameeyay seddex caawinaad ah, sidaas darteed wuxuu ka qeyb qaatay dhalinta wax ka badan hal gool kulan kasta.

Intii lagu jiray sagaalkii kulan ee uu Neymar ka hor yimid kooxda Real Madrid, wuxuu guul gaaray afar kulan, waxayna dhamaantood ahaayeen markii uu xirnaa maaliyada Barcelona, wuxuuna la kulmay afar guuldaro, halka kulanka kale uu ku dhamaaday barbaro, dhinaca kaararka, wuxuu qaatay afar kaarka jaalaha, mana la ceyrinin xitaa hal kulan.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles