(Nice), 03 September 2016 -Weeraryahanka cusub ee kooxda OGC Nice ee waddanka Faransiiska, Mario Balotelli ayaa shaaca ka qaaday in aan la oran karin ku biiritaankiisii kooxdaasi waxa ay ahayd tallaabo halis ah oo ay u bareertay Nice.
«Taariikhdaydii hore ee Kubadda Cagtu way ka duwan tahay waxa jaraa’idyada lagu qoro » ayuu yiri Balotelli oo loo xiray lambarka 9’ ee Nice.
«Aniga ahaan isula muuqdo nin khatar ku ah naadigayga cusub, way jirtaa inaan dhibaatooyin jir ahaaneed qabay, laakiin halis? Maya» ayuu sii raaciyay Balotelli.
Balotelli oo 26 jir ah ayaa heshiis sanad ah oo xor ah ugu wareegay Nice, kaddib markii uu ku fashilmay ku biiristiisii kooxda Liverpool, waxaana OGC Nice ay heshiis toos ah oo ay la gasho Balotelli ku xirtay shuruud ah inay hubiso dabcigiisa sanadka ugu horreeya kaddibna ay u ballan qaadday in ay la gali doonto qandaraas dheer oo sanadkii mushar ahaan uu u helayo 4.5 Milyan oo Euro (5 Milyan oo Dollar).
Dhinaca kale dad badan ayaa saadaalinaya in Balotelli uu ka soo kaban doono dib u dhicii ku dhacay, maadaama Nice ay sanadkii la soo dhaafay ay soo iibsatay wiilka sida balotelli rabshada badan ee Hatem Ben Arfa oo isagu ku fashilmay Horyaalka Ingiriiska, waxaana ay ka soo saartay xiddig wanaagsan oo kasbaday in dib loogu yeero xulka Faransiiska, isla markaana xilli ciyaareedkan ay gadatay kooxda Paris Saint-Germain.
Xiddigaha cusub ee Nice, Younes Belhanda iyo Mario Balotelli
Gool FM
Nice not taking a risk signing me, says Balotelli https://t.co/EioVE1WI8C pic.twitter.com/LGdWHC0uaR
— The Punch Newspapers (@MobilePunch) September 2, 2016