(Barcelona) 17 Dis 2019. Neymar Jr ayaa ka hadlay wax ku saabsan xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Lionel Messi, mar uu wareysi siinayey Majaladda la yiraahdo France Football.
Neymar waxa uu ka hadlay Leo Messi oo ah mid ka id ah saaxiibadiisa ugu weyn iyo haddii uu markale kula kulmi karo xagaaga soo socda garoonka Camp Nou.
“Messi waa ciyaaryahan cajiib ah, waa kan ugu fiican ee aan abid arko isagoo ciyaaraya, layaab malahan inuu haysto lix Ballon d’Or, maadaama uu sanado badan ahaa mid sare, waa inuu ku guuleysto Ballon d’Or isaga uun.” ayuu yiri Neymar.
Ugu dambeyntiina, Neymar ma qarin inuu sidoo kale jeclaan lahaa inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or, laakiin wuxuu caddeeyay inaysan ahayn wax uu isagu ugaarsanayo.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan sidoo kale ku guuleysto! Laakiin taasi walaac ma leh, abaal-marinta Ballon d’Or keli ayay timid … ama ma’aha,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.
Neymar waxaa si lama huraan ah wax looga weydiiyay Messi iyo Mbappé, wuxuuna jawaabtiisa ku soo gaabsaday: “Weligeey waan jeclaan doonaa Messi, Mbappé-na waa hibo gaar ah oo run ah.”
Gool FM.