(Yurub) 25 Dis 2019. Shabakada “WhoScored” ee ku caan baxday tirakoobyada iyo rikoorrada ciyaartoyda kubadda cagta iyo kooxaha, ayaa waxay daabacday shaxda kooxdii ugu fiicneyd ee ciyaartoyda shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka ilaa haatan.
Inta badan horyaalada ugu waa weyn Yurub ayaa joogsanaya waqtiga ciida gaalada ee Christmas-ka, wuxuuna fasaxa sii socon doonaa tan iyo billowga sanadka cusub ee 2020.
Laakiin kulamada horyaalka Premier League ee dalka England ay halkooda ka sii socon doona waxaana la ciyaari doonaa kulamada caanka ah ee “Boxing Day”.
Liiskan shanta horyaal ugu waaweyn qaarada Yurub ayaa waxaa ka mid ah Horyaalka Ingiriiska, Horyaalka Spain, Horyaalka Jarmalka, Horyaalka Talyaaniga iyo Horyaalka Faransiiska.
Xiddigaha kaga soo muuqday horyaaladan ayaa waxaa lagu saleeyay xilli ciyaareedkan, ciyaartoydii ugu sareeyay ee la qiimeeyay tan iyo bishii Agoosto ilaa hadda waxaa ku jira:
Goolhaayaha: Gautier Larsonneur – (Brest = France).
Daafaca: Ricardo Pereira (Leicester City – England), Virgil van Dijk (Liverpool – England ), Chris Smalling (Roma – Talyaaniga), Alphonso Davies (Bayern Munich – Germany).
Khadka dhex: Lionel Messi (Barcelona – Spain), Kevin De Bruyne (Manchester City – England), Ángel Di María (PSG – France), Kylian Mbappé (Paris St Germain – France).
Weerarka: Robert Lewandowski (Bayern Munich – Germany), Timo Werner (RB Leipzig – Germany).
Gool FM.