(World) 25 Dis 2019. Xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliyey kubadda cagta Adduunka sanadkan gabagabada ah ee 2019 ayaa la shaaciyey, waxaana kaalimaha hore ka soo muuqday Lionel Messi iyo Lewandowski, iyadoo CR7 laga waayey safka hore.
Robert Lewandowski ayaa sanadkan 2019 ku dhammaystay isagoo hoggaaminaya gooldhalinta ugu sarreysa kubadda cagta Adduunka.
Weeraryahanka Bayern Munich ayaa dhaliyey 54 gool 58 kulan oo uu u saftay kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka Poland tan iyo 1 bishii Janaayo ee sanadkan 2019.
Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa maamulayey gooldhalinta ugu sarreysa tobankii sano ee la soo dhaafay, marka laga reebo Edin Dzeko (2009) iyo Harry Kane (2017) oo hoggaamiyey.
Sanadkan, Lionel Messi ayaa dhaliyey 50 gool 58 kulan oo uu saftay, laakiin waxa uu seegay afar kulan oo uu u ciyaari lahaa xulkiisa qaranka Argentina kaddib markii la ganaaxay Tartankii Copa America.
Waxaa kaalinta saddexaad ka soo muuqday Kylian Mbappe kaasoo isna sanadkan 44 gool dhaliyey 49 kulan oo uu u saftay Kooxdiisa Paris Saint-Germain iyo xulkiisa qaranka Faransiiska.
Raheem Sterling ayaa isna booska Afaraad ku jira kaasoo 41 gool u dhaliyey Kooxdiisa Manchester City iyo xulkiisa qaranka England, waxaana uu goolashaas ku kordhin karaa kuwo kale ka hor inta uusan sanadku dhammaan.
Marka la eego dibadda Yurub, Eran Zahavi oo 40 gool u dhaliyey Guangzhou R&F iyo Israel & Ciyaaryahanka kale ee Carlos Vela oo 38 gool u dhaliyey LAFC ayaa sidoo kale ku jira 10-ka sare.
Gool FM.