(Paris) 25 Dis 2019. Weeraryahanka reer France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa wuxuu shaaca ka qaaday doorka uu ka ciyaaray inuu ku qanciyo saaxiibkiis reer Brazil ee Neymar Jr inuu sii joogo garoonka Parc des Princes xilli ciyaareedkan.
Magaca Neymar Jr ayaa lala xiriiray inuu dib ugu laabanayo kooxda Barcelona inta lagu gudajiray xagaagii lasoo dhaafay, maadaama uu si cad u muujiyay sida uu u doonayo inuu ka dhaqaaqo kooxda Paris Saint-Germain.
Kylian Mbappé ayaa wareysi uu ku bixiyay war sidaha “Le10sport” wuxuu ku sheegay:
“Waxaan la sheekeysan jiray maalin kasta, waxaana ka codsaday inuu joogo”.
“Waxaan u sheegay, ma bixi kartid, mana naga hor istaagi kartid hibadaada waalida ah, waa inaad koowaad ka noqotaa koox walba, sida xaallada PSG, kama heli doontid Barcelona”.
“Haddaad baxdo hadda, waxay noqon doontaa qatar aad u weyn waxaan heysanaa fursad aan si wada jir ah halkan ugu qori karno sheeko”.
“Waxaan u sheegay inaan xilli ciyaareed fiican ku qaadan karno kooxda Paris Saint-Germain”.
Gool FM.