(Yurub) 28 Dis 2019. Waxaa la shaaciyey laacibka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee World Soccer’s Player of the Year for 2019, Lionel Messi ayaana ku garaacay Van Dijk.
Messi ayaa loo magacaabay xiddiga sanadka ee World Soccer’s World Player of the Year for 2019 isagoo ku garaacay abaal-marintan daafaca kooxda Liverpool ee Van Dijk, kaasoo aad uga dabadhowaaday dhanka codeynta Leo.
Waa markii shanaad oo uu abaal-marinta xiddiga sanadka ee World Soccer’s World Player of the Year 2019 ku guuleysto Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi, waxaana uu horay u hantay abaal-marintan sanadihii 2009, 2011, 2012 iyo 2015, isagoo sidaas ku barbareeyey laacibka ay xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo.
Xiddigaha kooxda Liverpool ayaa si weyn uga dhex muuqday codeynta abaal-marintan, waxaana sidoo kale kaalinta saddexaad ka galay Sadio Mane, Mohamed Salah (6-aad), Allison Becker (7-aad), Roberto Firmino (17-aad), halka Trent Alexander-Arnold uu ka soo muuqday kaalinta (19-aad).
Frenkie De Jong kaasoo kooxda Ajax ka soo dhaqaaqay suuqii xagaaga ayaa kaalinta 8-aad ka soo muuqday waana ciyaaryahanka kale ee Barcelona marka laga reebo Messi ee kaliya ka soo muuqday 20-ka sare ee kala sarreynta codeyntan.
Ku guuleystaha abaal-marinta ee sanadkii la soo dhaafay, Luka Modric ayaa kaga dhammaystay kaalinta 44-aad codeyntan, halka Cristiano Ronaldo oo abaal-marintan horay u hantay sanadihii 2008, 2013, 2014, 2016 iyo 2017 uu ku dhammaystay kaalinta afaraad, isagoo ka sare maray Kylian Mbappe kaddib markii da’yarka Faransiiska iyo kooxda Paris Saint-Germain uu ka soo muuqday kaalinta shanaad.
Haddaba halkaan hoose ka eeg natiijada & sida ay codadka u kala heleen 10-ka xiddig ee safka hore ka galay tartanka abaal-marintan:-
Gool FM.