(Paris) 29 Dis 2019. Dhowr maamood ayaa inooga harsan inaan macsalaameyno sanadka 2019, haddaba wargeyska “France Football” oo sanad walba bixiya abaal-marinta Ballon d’Or ayaa wuxuu soo bandhigay maanta oo Axad ah shaxda xiddigihii ugu fiicnaa 10-kii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa xusid mudan in 10-kii sano ee la soo dhaafay ay ka buuxeen dhacdooyin kubadda cagta ee aad u xiiso badan laga soo bilaabo sanadkii 2010-kii ilaa maalmaheenna ugu dambeeya ee sanadkan.
Ciyaartoyda haatan iyo kuwii hore ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa xakameeyay kooxdii ugu fiicneyd intii lagu jiray 10-kii sano ee la soo dhaafay, sababa la xiriira guulihii waaweynaa ay ka gaareen kubadda cagta adduunka labadan kooxood muddadan.
Real Madrid, oo ku guuleysatay afarta koob ee Champions League sannadihii 2014, 2016, 2017 iyo 2018, iyo Barcelona oo tartanka laba jeer qaaday ee kala ah 2011 iyo 2015, ayaa ka dhigtay inay gabi ahaanba si buuxda u xakameeyaan kubadda cagta Yurub mudadaas.
Haddaba dhanka hoose kaga boggo xiddigaha ku soo baxay shaxda kooxdii ugu fiicneyd mudada 10-kii sano ee lasoo dhaafay ee 2010-2020.
Goolhaaye: Iker Casillas
Daafacyada: Philipp Lahm, Virgil van Dijk, Sergio Ramos iyo Marcelo.
Khadka Dhexe: Xavi Hernandez, Andres Iniesta iyo Luka Modric.
Weerarka: Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar Jr.
Gool FM.