(Paris) 05 Sebtembar 2016 – Laacibka khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain, Adrien Rabiot ayaa daaha ka rogay inuu doonayo inuu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska ee Premier League mustaqbalka dhow.
21-sano jirkaan ayaa dhowr bilood ku soo qaatay kooxda Manchester City, isagoo aad u da’yaraa, ka hor inta uusan ku biiri kooxda waa weyn ee PSG.
Rabiot ayaa warar kala duwan ka soo baxayeen mustaqbalka xiddigan ee caasimadda Faransiiska, waxaana wararka qaar ay sheegayeen inay ka tagi doono PSG maadaama uu boos joogto ah ka waayey kooxda, halka kuwo kale ay lahaayeen waa uu la sii joogi doonaa kooxdiisa.
Laakiin xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee da’doodu ka hooseyso 21-ka sano ayaa hadda shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu maalin dib ugu laabto Ingiriiska, xitaa sababo ka baxsan kubadda cagta.
“Run ahaantii anigu waan jeclahay waqtigeygii England iyo nolosha halkaas, xitaa sababo ka baxsan kubadda cagta.” ayuu u sheegay Telefoot.
“Waan u sheegay nafsaddeyda inaan halkaas ku laaban doono maalin, waxaan mar walba doonayaa inaan ka ciyaaro England, waa igu jirtaa.
“Premier League… taasi waa kubadda cagta.”
Gool FM.