Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

50-kii xiddig ee ugu fiicnaa sanadkii 2019 oo shaaca laga qaaday… (Kaalintee ayey kaga jiraan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo?)

$
0
0

(Madrid) 02 Jan 2020. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa diyaariyay liis ka kooban 100-ka ciyaartooy ee ugu fiicnaa adduunka inta lagu gudi jiray sannadkii dhamaaday ee 2019.

Sheekada layaabka leh ee lagu dhex arkay liiskan ayaa ah in Karim Benzema uu ka soo galay booska labaad, inkastoo ay xaqiiqo tahay in Real Madrid aysan sanadkan ku guuleysanin wax koob ah, isla markaana ay soo bandhigtay qaab ciyaareed hooseeya.

Xulashada wargeyska “Marca” ee ciyaartoydan ayaa lagu saleeyay cod bixinta suxufiyiinta, taasoo keentay in qaar ka mid ah ay su’aal ka keenaan in Karim Benzema uu u qalmo in liiskaan uu kaalinta labaad ka galo, iyadoo la tix raacayo maadaama uu wargeyskan yahay mid aad ugu dhow kooxda Real Madrid.

Sida la filayay, weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kaalinta koowaad ka soo galay liiskan, kaddib  markii uu noqday ciyaaryahanka ugu fiican adduunka intii lagu jiray sanadkii la soo dhaafay, isagoo ku guuleystay abaal-marinada FIFA The Best iyo Ballon d’Or 2019.

Image result for Messi Balon De Oro

Dhanka kale weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa liiskan ka soo galay booska afaraad, isagoo ka dambeeyay xiddigaha Lionel Messi, Karim Benzema iyo Virgil van Dijk oo booska saddexaad ka soo galay liiskan kaddib markii uu kooxdiisa Liverpool ku hoggaamiyay hanashada tartanka Champions League.

Ku guuleysiga kooxda Liverpool ee tartanka Champions League.ayaa ka dhigtay inay xakameeyaan 10-ka xiddig ee ugu fiican sannadka 2019, waxaana kaga soo muuqday 4-ta ciyaaryahan ee kala ah – van Dijk, Sadio Mane, Mohamed Salah iyo goolhayaha cajiibka ah ee reer Brazil Alisson Becker.

Halka kooxda Barcelona ay liiskan kaga soo muuqdeen xiddigaha kala ah Lionel Messi iyo Frenkie de Jong, kaasoo bandhig cajiib ah ka soo sameeyay kooxdiisii hore ee Ajax xilli ciyaareedkii hore.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska 50-kii xiddig ugu fiicnaa sanadkii tagay ee 2019 waxaana ka mid ah:

1- Lionel Messi – Barcelona.

2- Karim Benzema – Real Madrid.

3- Virgil van Dijk – Liverpool.

4- Cristiano Ronaldo – Juventus.

5- Kylian Mbappé – PSG.

6- Sadio Mane – Liverpool.

7- Frenkie de Jong – Barcelona.

8- Maxamed Saalax – Liverpool.

9- Raheem Sterling – Man City.

10- Alisson Becker – Liverpool.

11- Eden Hazard – Chelsea iyo Real Madrid.

12- Robert Lewandowski – Bayern Munich.

13- Matthijs de Ligt – Ajax iyo Juventus.

14- Bernardo Silva – Man City.

15- Ter Stegen – Barcelona.

16- Sergio Aguero – Man City.

17- Alexander-Arnold – Liverpool.

18- Son Heung-min – Tottenham Hotspur.

19- Antoine Griezmann – Atlético Madrid iyo Barcelona.

20- Roberto Firmino – Liverpool.

21- João Félix – Benfica iyo Atlético Madrid.

22- Dušan Tadić – Ajax.

23- Hugo Lloris – Tottenham Hotspur.

24- Kevin De Bruyne – Man City.

25- Jan Oblak – Atlético Madrid.

26- Bruno Fernandes – Sporting CP.

27- Luis Suarez – Barcelona.

28- Andrew Robertson – Liverpool.

29- Casemiro – Real Madrid.

30 – Fabio Quagliarella – Sampdoria.

31- Riyad Mahrez – Man City.

32- Jordan Henderson – Liverpool

33- Donny van de Beek – Ajax.

34- Wijnaldum – Liverpool.

35- Christian Eriksen – Tottenham Hotspur.

36- Kalidou Koulibaly – Napoli.

37- Marquinhos – PSG.

38- Hakim Ziyech – Ajax.

39- Jadon Sancho – Borussia Dortmund.

40- David Silva – Man City.

41- Gerard Pique – Barcelona.

42- Emerick Aubameyang – Arsenal.

43- Sergio Ramos – Real Madrid.

44- Miralem Pjanić – Juventus.

45- Ciro Immobile – Lazio.

46- Toni Kroos – Real Madrid.

47- Ángel Di María – PSG.

48- Gabriel Jesus – Man City.

49- Gabriel Barbosa – Flamengo.

50- Federico Valverde – Real Madrid.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles