(Paris) 09 Jan 2020. Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappé ayaa wuxuu meesha ka saaray inuu ka hadlo mustaqbalkiisa Paris Saint-Germain, iyo sidoo kale arrinta ku saabsan heshiis kordhintiisa kooxda, wuxuun tilmaamay inaysan aheyn waqtigii laga hadli lahaa arintan.
Magaca Kylian Mbappé oo 21 jir ah ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid xagaaga soo socda, halka maamulka kooxda PSG ay ka shaqeenayaan inay kordhiyaan qandaraaskiisa haatan uu ku joogo Parc des Princes ee dhacaya 2022.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror” Kylian Mbappé ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga mustaqbalkiisa kooxda Paris Saint-Germain wuxuuna yiri:
“Mustaqbalkeyga kooxda Paris Saint-Germain? waxaan kaliya diirada saarayaa inaan ciyaaro kubadda cagta, waxaan diyaar u ahay arrintaas oo kaliya, sababtoo ah waxaan ku jirnaa bisha Janaayo”.
“Waxaan hadda galnay marxaladdii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedkan, waana waqtigii aan ku tartami laheyn ku guuleysiga koobab, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inaysan aheyn waqtigii laga doodi lahaa”.
“Kooxda waa mid dagen hadda, qof walbana wuxuu u socdaa jiho isku mid ah, sidaas darteed ka hadlida waxyaabaha aan kooxda la xiriirin, ma noqon doonaan wax macquul ah ama wanaag ah”.
Gool FM.