(Manchester) 21 Jan 2020. Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso dalab dhan 43 milyan oo gini oo ay ka gudbiso Weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele si ay uu u sii buuxiyo booska u dhaawac ahaan kaga maqan yahay Marcus Rashford.
Red Devils waxaa ka maqnaan doona gooldhaliyahooda sare ee Rashford ilaa saddex bilood kaddib dhaawac ka soo gaaray kulankii FA Cup-ka ee ay ka badiyeen Wolverhampton Wanderers isbuucii hore.
Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rumeysan yahay inuu suuqa ka raadinayo gooldhaliye, sida laga soo xigtay FootMercato, Dembele ayaa loo aqoonsaday inuu yahay musharrax suurtagal ah si uu u buuxiyo booska weerarka Manchester United.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Man United ay danaynaysay 23-sano jirkaan, iyadoo la rajaynayo inay u si amaah ku soo qaadan doonto, laakiin qorshayaashaas lama oga sida looga aqbali doono, iyadoo sidoo kale ay dhaliyahan xiiseynayso Chelsea.
Dembele ayaa goolal u dhaliyay Celtic iyo Fulham intii lagu jiray waayihiisii hore ee kubada cagta Ingiriiska ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda kubadda cagta Lyon, halkaasoo uu 26 ku gool ku dhaliyay kaddib 52 kulan oo uu ka ciyaaray horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska.
Si kastaba ha noqotee, waxaa la soo jeedinayaa in kooxda lagu naynaaso Les Gones ay dalban doonto lacag badan si ay weerarayahankooda u fasaxaan, waxaana xusid mudan in laacibkan uusan kulan heer sare ah u ciyaarin Wadanka uu ka soo jeedo ee France.
Gool FM.