(Porto) 21 Jan 2020. Waxaa si toos ah u furan haatan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana kooxahu ay isku dayayaan inay kooxahooda ku soo daraan lacibiin muhiim ah, sidoo kalena ay iska fasaxaan xiddigaha ay ka xiiso dhaceen si ay badalkooda ugu helaan lacag.
Warka cusub ee soo baxay haatan ayaana ah in kooxaha Chelsea iyo Paris Saint-Germain ayaa labadaba lagu soo waramayaa inay xiisaynayaan inay u dhaqaaqaan daafaca kooxaha kubadda cagta FC Porto ee Alex Telles.
27-sano jirka daafaca bidix ayaa boos joogto ah ka haystay naadiga lagu naynaaso Dragons tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda reer Portugal sanadkii 2016-kii, isagoo dhaliyay 16 gool 170 kulan uu saftay tartammada oo dhan.
Difaaaca xawaaraha badan ee ka tirsan FC Porto, Alex Telles wuxuu qandaraas kula jiraa Porto illaa sanadka 2021-ka, laakiin warsidaha A Bola ayaa soo warinaya inuu u sheegay kooxda inuusan saxiixi doonin heshiis kale taas oo loo fasiran karo in la joogo waqtigii uu kooxdiisa faarujin lahaa.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in Porto ay u badan tahay inay isku daydo oo ay iska iibiso xiddiga reer Brazil mustaqbalka dhow, halkii ay u ogolaan lahayd inuu si xor ah uga tago kaddib marka uu dhammaysto heshiiskiisa kooxda FC Porto.
Chelsea iyo PSG ayaa labadaba muujinaya xiisaha ay u qabaan saxiixa daafac bidix ee cusub, iyagoo isha ku haya inay xoojiyaan kooxdooda inta uu fura yahay suuqan bisha Janaayo , waxaana la rumeysan yahay in difaacan awoodda badan ee weerarka ka qeyb qaata ee Telles inay ka dhigayso inuu soo jiito indhaha kooxo badan oo qaaradda Yurub ah.
Gool FM.