(Paris) 21 Jan 2020. Kooxda Paris Saint-Germain ayey u badan tahay inay waqtigan wixii ka dambeeya aysan awoodi doonin inay sii haysato laacibkooda Weerarka uga dheela ee Edinson Cavani.
Sida ay wararka tilmaamayaan Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayey u furan tahay inuu ku biiro Manchester United heshiis joogto ah bishaan, inkastoo uu xiiso ka helayo Kooxaha kala ah Chelsea iyo Atletico Madrid.
Sida lagu sheegay warbixinta Laacibka heerka caalami ee xulka Uruguay ayaa ka waayay kooxdiisa daqiiqado badan oo uu ku matali karo naadiga ku ciyaarta garoonka Parc des Princes, wuxuuna si rasmi ah u gudbiyay codsi si u raadsado koox kale.
Atletico Madrid ayaa loo arkaa inay tahay kooxda ugu cadcad inay la saxiixato gooldhaliyaha ugu sarreeya Kooxda PSG, laakiin Man United ayaa sidoo kale haysata fursad wayn si ay ugu dhaqaaqdo.
Red Devils ayaa bartanka kaga jirta xaalad xun oo dhaawacyo ah, waxaana la rajaynayaa inuu ka maqnaan doono dhaliyahooda reer England ee Marcus Rashford bilaha soo socda, taasoo ku qasbaysa tababare Ole Gunnar Solskjaer inuu suuqa kala iibsiga ka baadi goobo weeraryahan kale.
Raacdada loogu jiro helidda xiddigan ayaa ah mid aad u badan, laakiin Manchester Evening News ayaa soo jeedinaysa in Cavani uu bartilmaameedka koowaad u yahay Manchester United, xilli ay ku soo qaadan doonto sida warbixinta lagu sheegay ku dhawaad 25 milyan oo gini.
Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa si maldahan u sheegay in kooxdiisu ay sidoo kale ku jiraan tartanka loogu jiro saxiixa xiddigii hore ee Napoli lama oga sida ay ula falgali doonaan maalmaha ka haray suuqa kala iibsiga bishan Janaayo.
Cavani oo ay da’du kulaaleyso ayaa diyaar u ah inuu waqtigan abuuro fursad kale si uu uguda galo tartan cusub, waxana la fahansan yahay in aysan macquul ahayn inuu qaab amaah uga tagi karo Kooxdiisa PSG.
Gool FM.