(Turin) 25 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay aad ugu dhow dahay inay la wareegto bartilmaameedkii kooxda Arsenal ee Layvin Kurzawa.
Gunners ayaa bartilmaameed sare ka dhiganaysay daafacan ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain ee Layvin Kurzawa, laakiin haatan kooxda reer Talyaani ayaa qarka u saaran inay ku garaacdo saxiixiisa.
Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa heshiiskiisa haatan ee Paris waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo Arsenal si xoog leh loola xiriirinayey adeeggiisa.
Kooxda reer London ee Gunners ayaa la rumeysan yahay in lagu wargaliyay in PSG ay 27-sano jirkaan ku qiimayso adduun dhan 4.2 milyan oo gini, laakiin sida laga soo xigtay shabakadda Goal.com, Juve ayaa hadda ku sii dhawaanaysa inay u dhaqaaqdo daafacan garabka bidix.
Wararku waxa ay intaa ku daryaan in kooxda xafidanaysa horyaalka Talyaaniga ay wadahadallo horudhac ah la leedahay kooxda Thomas Tuchel kuwaasoo ku aaddan heshiis laga yaabo in la arko Mattia De Sciglio oo ka sii jeeda dhanka kale.
Kurzawa ayaa 14 kulan u saftay kooxda difaacanaysa horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkan haatan soconaya, waxaana uu ka dambeeyaa Juan Bernat marka la eego booska daafaca bidix ee garoonka Parc des Princes.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadallo kula jirto Atletico Madrid, taasoo ku aaddan saxiixa Thomas Lemar ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Gool FM.