Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kooxda Manchester City oo la xiriirtay Rennes si ay uga hesho mid ka mid ah xiddigaheeda khadka dhexe

$
0
0

(Manchester) 27 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay xiriir la sameysay naadiga Rennes si ay ugala xaajooto qaabkii ay ugala soo wareegi lahayd da’yarkeeda Eduardo Camavinga.

17-sano jirkaan Angola ku dhashay ee khadka dhexe ka ciyaarta ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay kooxdiisa reer France, waxaana uu qeyb libaax ka ciyaaray soo laabashadooda kaalinta saddexaad ee horyaalka Ligue 1.

Man City ayaa caan ku ah soo qabashada da’yarta kartida leh ee ku kala sugan daafaha dunida, waxaana Jariiradda Daily Express ay sheegaysaa inay rajaynayaan inay Camavinga ku soo kordhiyaan safkooda.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kooxda Tababare Pep Guardiola ay xiriir la sameysay naadiga uu hoggaamiyo Julien Stephan si ay ugala hadlaan suurto-galnimada uu ciyaaryahanka ugu soo dhaqaaqi karo, laakiin waxay tartan kala kulmi doonaan kooxaha kale ee reer Yurub sida Paris Saint-Germain, Bayern Munich iyo Real Madrid.

Camavinga ayay qoyskiisu u soo guureen Faransiiska isagoo labo sano jir, wuxuuna u saftay kulankiisii ugu horreeyay ee xulka da’doodu ka yar tahay 21-jirrada reer France bishii November ee la soo dhaafay.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles