(Lyon) 06 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kooxda Manchester United kula tartanto saxiixa Weeraryahanka Lyon ee Moussa Dembele suuqa xagaagan.
Labada Naadi ee reer England ayaa la la xiriirinayay 23-sano jirkaan intii lagu guda jiray suuqa bishii Janaayo, laakiin ciyaaryahankii hore ee Fulham ayaa ugu dambeyntii la sii joogay Kooxdiisa reer France.
Waxaa weli jira warar xan ah oo ku saabsan mustaqbalka xiddigan reer France, sida laga soo xigtay Jariiradda The Mirror, Chelsea ayaa diyaar u ah inay Man United kula dagaallanto adeeggiisa dhammaadka xilli ciyaareedka 2019-20.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Lyon ay ku qiimayso Dembele in ka badan 60 milyan oo gini, iyadoo weeraryahanka uu soo jiitay indhaha kooxaha waa weyn ee qaaradda Yurub tan iyo markii uu kooxda Lyon kaga soo biiray Celtic xagaagii 2018-kii.
Xiddigii hore ee Kooxda Celtic ayaa dhaliyay 38 gool 79 kulan oo uu u saftay Naadiga lagu neynaaso Les Gones ee Lyon oo ay ku jiraan 18 gool oo uu dhaliyey 33 kulan oo uu saftay intii lagu jiray xilli ciyaareedkan 2019-20.
Yeelkeede, Kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa haatan ku jira xaalado isku mid ah oo la xiriira baahidooda weerarayahan cusub, inkastoo kooxda Macallin Ole Gunnar Solskjaer uu hoggaamiyo ay heshiis lix bilood oo amaah ah ku soo qaadatay Odion Ighalo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha ee Jiilaalka.
Gool FM.