(Paris) 09 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay rag u soo daawada u dirsato daafac naadiga Newcastle United ee Danny Rose.
Paris Saint-Germain ayaa la soo sheegayaa inay ku dhowaday inay diiradda saarato daafaca bandhigga wacan sameynaya ee Danny Rose, si ay u soo xero geliyaan dhammaadka xilli ciyaareedkan 2019/20.
Kaddib markii uu boos ka waayay Kooxda Tottenham Hotspur, Rose ayaa loo ogolaaday inuu amaah ugu biiro Newcastle intii lagu guda jiray suuqii kala iibsiga xiddigaha ee bisha Janaayo, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaana inta ka dhiman xilli ciyaareedka ku qaadan doona garoonka St James ‘Park.
29-sano jirkaan ayaa heshiiskiisa kooxda Tottenham Hotspur waxa uu ku eg yahay bisha June ee sanadka 2021-ka, inkastoo loo maleynayo inuu kooxda Jose Mourinho kaga tagayo heshiis joogta ah xagaagan.
Sida uu warinayo Wargeyska The Sun, Kooxda PSG ayaa qorsheynaysa inay Rose u dirsato indho-indheeyeyaal u soo daawada qaab ciyaareedkiisa Magpies si ay u soo qaataan oo ay dalab uga gudbiyaan marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha.
Da’yarkii hore ee naadiga Leeds United ayaa 214 kulan u saftay kooxda milkiyaddiisa iska leh tan iyo markii uu yimid sanadkii 2007, waxaana ku jira kulammadaas 17 kulan oo uu u ciyaaray tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan haatan soconaya.
Rose ayaa kulankiisii ugu horreeyey ee away ah u safan kara Newcastle marka ay booqanayaan Arsenal kulan ka tirsan horyaalka Premier League 16-ka bishan Febraayo.
Gool FM.