(Dortmund) 18 Feb 2020. Kooxaha Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain ayaa caawa isku qaban doona lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.
Naadiga reer Jarmal ee Borussia Dortmund ayaa garoonkeeda Signal Iduna Park ku soo dhoweynaysa kooxda ka socota caasimadda Faransiiska ee Paris Saint-Germain.
Kani waxa uu noqonayaa markii saddexaad oo ay taariikhdooda kulamaan labadan kooxood, labadii kulan ee ay horay u ciyaareen ayey barbaro ku galeen heerka Guruubyada Europa League xilli ciyaareedkii 2010-11.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Taariikhda: Talaado, 18 Feb 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Signal Iduna Park
Garsooraha: Antonio Mateu (Spain)
Wararka Kooxaha:-
Ciyaaryahan Marco Reus ayaa ka maqnaan doona koxodiisa Borussia Dortmund, taasoo la icon ah in ninka bishii Janaayo ku soo biiray ee Erling Haaland uu sii wadan doono inuu ku soo bilowdo weerarka kooxda.
Julian Brandt ayaa la filayaa inuu isaguna seego kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayo ee martida loo yahay maxaa yeelay waxa uu sheeganayaa dhaawac canqowga ah, halka Thomas Delaney uu shaki ku jiro.
Dhinaca kale Neymar Jr oo seegay afartii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay kooxdiisa Paris Saint-Germain ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto safka hore ee kooxda martida ah caawa oo Talaado ah.
Thiago Silva oo garoonka laga saaray kulankii ay Axaddii barbaraha 4-4 la galeen Amiens ayaa shaki weyn laga galinayaa kulankan.
Marquinhos waxa uu jecelyahay inuu ka ciyaaro khadka dhexe kulammada noocan ah, laakiin Thomas Tuchel ayaa ka ciyaarsiin kara daafaca dambe, isagoo door biday Silva bartamihii isbuuca.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Kaliya labo kulan ayaa horay u dhexmaray labadaan kooxood Borussia Dortmund iyo PSG waxaana ay ahayd xilli ciyaareedkii 2010/11 tartanka Europa League heerkiisa guruubyada, labadaas kulan ayaana ku dhammaaday barbaro (1-1 magaalada Dortmund iyo 0-0 kulankii ka dhacay Magaalada Paris).
>- Borussia Dortmund ayaa had iyo jeer dhalinaysa ugu yaraan labo gool lixdeedii kulan ee Champions League ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha ka socda Faransiiska, si kastaba ha noqotee, marka loo eego 16-ka koox ee u soo baxay wareegga 16-ka, ma jirin koox dhalisay goolal ka yar intii ay dhalisay wareegga group-yada oo ah siddeed.
>- Kooxda Borussia Dortmund ayaa dhaaftay wareegga 16-ka Champions League kaliya hal jeer shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, waxayna markaas ahayd 2016-17 goortaasoo uu macalin ka ahaa PSG tababare Tuchel, ugu dambeyntiina waxaa garaacay Monaco wareegga siddeed dhammaadka.
>- Tuchel ma uusan badinin shantii kulan ee ugu dambeeysay ee uu ka horyimid Dortmund, waxaana uu ka haystaa 2 barbaro iyo 3 guuldarro, kuwaani dhammaantood waxay dhaceen markii uu ahaa madaxa ka ahaa Mainz intii u dhaxaysay 2009-2014.
>- PSG ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Champions League.
>- Kooxda reer France ee PSG ayaa guuleysatay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay tartanka Champions League.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.