Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Alvaro Morata oo magacaabay kooxaha u sharaxan hanashada tartanka UCL, kaddib guushii ay xalay ka gaareen Liverpool

$
0
0

(Madrid) 19 Feb 2020. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Atalico Madrid ee reer Spain Alvaro Morata ayaa u arka kooxdiisii hore ee Juventus ay ka mid tahay kooxaha ugu cad cad ee ku guuleysn kara tartanka Champions League xilli ciyaareedkaan.

Laakiin Alvaro Morata ayaa wuxuu rajeeyay in kooxdiisii hore ee Juventus aysan markale wada ciyaarin kaddib wareega group-yada ee tartanka Champions League.

Atletico Madrid ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Liverpool garoonkeeda Wanda Metropolitano, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Haddaba Alvaro Morata ayaa kaddib guushii ay xalay ka gaareen kooxda Liverpool wuxuu u sheegay warbaahinta aragtidiisa kaga aadan kooxaha u sharaxan xilli ciyaareedkan inay ku guuleysan karaan tartanka Champions League wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Liverpool iyo Juventus ay yihiin kuwa ugu fiican, waxaan door bidi lahaa inaan markale ku wajihi doonin kooxda Juventus tartanka Champions League”.

“Liverpool, PSG iyo Juventus ayaa ah kuwa ugu cad-cad ee ku guuleysan kara tartanka UEFA Champions League, laakiin Yurub ma jiraan wax la xaqiijin karo”.

Si kastaba ha noqotee, Juventus ayaa isku diyaarineysa isbuuca soo socda inay kula ciyaarto kooxda reer France ee Lyon lugta hore ee wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles