(Yurub) 19 Mar 2020. Sida dad badani ay qabaan, Lionel Messi waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan kubadda cagta xilligan, dadka qaar ayaa sidoo kale qaba inuu yahay midkii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, hase ahaatee, hadda ma ahan midka ugu qaalisan kubadda cagta, sida qiimeynta Transfermarket ay ku asteysay.
Iyadoo horyaallada qaaradda Yuurb ay badankood xanniban yihiin, Majaladda ka faalloota qiimeynta kooxaha iyo ciyaartoyda kubadda cagta ayaa markale taxliilin ku sameysay qiimaha magacyada waa weyn ee qaaradda Yurub.
Transfermarket ayaa dhigtay Messi booska siddeedaad ee kala sarreynta qiimaha ciyaartoyda kubadda cagta qaaradda Yurub, iyadoo 10-ka sare ay ku jiraan ciyaartoy ka kala ciyaara horyaallada Bundesliga, Premier League iyo Ligue 1, si la mid ah La Liga, hase ahaatee kuma jiro liiskan ciyaartoy ka ciyaara horyaalka Serie A.
Haddaba waa kuwan 10-ka xiddig ee qaaradda Yurub ugu qiimaha sarreeya sida ay Transfermarket soo saartay:-
10 – Antoine Griezmann (Barcelona). 120 milyan oo euro
Weeraryahanka Faransiiska ah ayaa ay majaladdu ku qiimeysay qiimihii ay Barcelona kaga soo iibsatay kooxda Atletico Madrid xagaagii aynu kasoo gudubnay.
9 – Jadon Sancho (Borussia Dortmund). 120 milyan oo euro
Garabka Borussia Dortmund ayaa ka mid ah xiddigaha ugu mustaqbalka fiican qaaradda Yurub isagoo labo xilli ciyaareed oo cajiib ah ku qaatay horyaalka Jarmalka kaddib ka tagistiisii Manchester City.
Waxaana ay u badan tahay inuu noqon doono midka ugu qaalisan ciyaartoyda kubadda cagta marka la gaaro xagaaga.
8 – Leo Messi (Barcelona). 140 milyan oo euro
Iyadoo lacagaha heshiiskiisa lagu jebin karo ay yihiin 700 milyan oo euro, haddana waxa uu leeyahay xuquuq uu kooxda bilaash kaga tagi karo Barca xagaagan, Messi ayaa hadda lagu qiimeeyay 140 milyan oo euro.
7 – Kevin de Bruyne (Manchester City). 150 milyan oo euro
Waa mid ka mid ah furayaasha kooxda Pep Guardiola, waxaana uu aas-aas u yahay guulaha Man City.
6 – Harry Kane (Tottenham). 150 milyan oo euro
Weeraryahanka Tottenham iyo Xulka England ayaa ka mid ahaa Weeraryahannada ugu fiican qaaradda Yurub shantii sano ee la soo dhaafay.
5 – Mohamed Salah (Liverpool). 150 milyan oo euro
Sanado wacan oo uu ku qaadanayo Liverpool awgeed, Salah ayaa isna ku qiimo ah Harry Kane, waxaana ay u badan tahay inuu qiimo ahaan sare u kici karo haddii Reds ay hanato horyaalka Premier League-ga xilli ciyaareedkan.
4 – Sadio Mane (Liverpool). 150 milyan oo euro
Waxaa la rumeysan yahay inuu u qalmo ka mid ahaanshaha shanta ciyaaryahan ee ugu qaalisan kubadda cagta xilligan.
3 – Neymar Jr. (Paris Saint-Germain). 160 milyan oo euro
Inkastoo uu kaalinta saddexaad ku jiro hadda, xiddigga sare ee PSG ayaa qiimihiisu uu hoos u sii socday tan iyo markii uu ka tagay Barcelona sanadkii 2017.
2 – Raheem Sterling (Manchester City). 160 milyan oo euro
Garabka England ayaa ku qiimo ah Neymar, waxaana laga filayaa hoos u dhac ku yimaado qiimahiisa, maadaama kooxdiisa labo sano laga ganaaxay tartammada Yurub.
1- Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain). 200 milyan oo euro
Diiwaankan hooggaankiisa waxaa haya wiilka dahabiga ah ee Faransiiska, waxaana ka dib ku guuleysigiisa Koobkii Adduunka 2018, weli uu sii wataa qaab ciyaareed qurux badan.
Gool FM.